Daawo Sawirada :- Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo maanta xukuno kala duwan riday

Bulsha:- Maxkamada Ciidanka Qalabka sida Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xukuno kala duwan waxa ay ku riday afar eedeysane oo maxkamada la hor keenay laguna soo eedeeyay in ay galeen dambiyo kala duwan.

Eedeysanayaasha Maanta Maxkamada la horgeeyay ayaa gaarayay afar nin oo dhalinayro ah, waxaana lagu riday xukuno kala duwan oo xabsi ah halka mid kamid ah dadkaasi laga sii daayay xabsiga kadib markii dambi lagu waayay.

Maxkamada ayaa 10-sano oo xabsi ah ku riday Cabaas Xasan Maxamed , halka Mustaf Maxamed Cali iyo Cabdiraxmaan Jicmaale Muuse ay iyana ku riday 6-bilood oo xabsi dhaqan celin ah halka Maxkamada ay sii deysay Shaafici Xasan Maxamed oo wax dambi ah lagu waayay, waxaana xukunkaasi ku dhawaaqay Gudoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada Qalabka sida Liibaan Cali Yarow.

Maxkamada ciidamada qalabka sida Dowlada Soomaaliya ayaa marar kala duwan xukuno waxa ay ku riday dad eedeysanayaal ah oo isugu jira askar katirsan Ciidanka Dowlada iyo xubno lagu helay in ay katirsan yihiin Al-Shabaab .








_______________________

Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment