AMISOM oo war kasoo saartay Weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Xero ay ku lahaayeen Deegaanka Janaale

Bulsha:- Taliska Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa war kasoo saaray weerar saakay aroor hore dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ku galeen xero ay ciidankoodu ku lahaayeen Deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

War qoraal ah oo AMISOM, ay soo dhigtay barta ay ku leedahay Twitter-ka ayey ku sheegtay in Ciidankooda ay iska difaaceen Weerar Al-Shabaab kusoo qaadeen, waxa ayna been abuur ku tilmaantay in laga qabsaday saldhigooda.

AMISOM waxa ay beenisay Wararka la xariira in Al-Shabaab la wareegeen Saldhigooda ayna halkaasi ka qaateen hub iyo saanad kale oo milatari , waxaana warka kasoo baxay AMISOM lagu sheegay in ay iyagu wali maamuleyso saldhigaas.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in Weerar ay ku qaadeen Guuto katirsan Ciidankooda Deegaanka Janaale ay kula wareegeen Sadhigii Ciidamada AMISOM ku lahaayeen Deegaanka Janaale ayna halkaasi ku dileen askar badan oo katirsan AMISOM.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment