Daawo Sawir Gacmeed Cajiib ah oo laga sameeyay Xarigii Hargeysa loogu geestay Fanaaniinta Xiddigaha Geeska

Bulsha:- Waxaa shalay Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland lagu xiray afar fanaan oo katirsanaa Xiddigaha Geeska, kuwaa oo dhawaan Bandhig Faneed ku qabtay Hotelo ku yaala Magaalada Muqdisho.

Ciidamada amaanka Somaliland ayaa fanaaniintan ka xiray Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargeysa, waxaana Fanaaniintan sababaha loo xiray lagu sheegay in Bandhig Faneed uu maamulku raali ka aheyn ay ku qabteen Muqdisho ayna hugsadeen calanka Soomaaliya.
Kaartoonistaha Soomaaliyeed Amiin Caamir ayaa Sawir Gacmeed cajiib ah ku cabiray Xariga Fanaaniinta Xiddigaha Geeska, waxaana sawirka ka muuqda ciidamo Fanaaniinta ku qabanaya biskoolado kuwaa ka careesan in Fanaaniinta ay xirteen Funaanad buluug ah oo astaan calanka Soomaalia u eg.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment