Xiisad Siyaasadeed oo ka Taagan Muqdisho iyo Madaxweynaha oo Go’aan lama Filaan ah Damacsan

Bulsha:-  Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu damacsanyahay inuu kala diro Xildhibaanada Baarlamaanka, xilli xiisad siyaasadeed ay ka dhex taagan tahay isaga iyo Xildhibaanada Baarlamaanka qaar.

Iyadoo Dastuurka cusub aanu ogolayn in Madaxweynuhu uu kala diro Xildhibaanada Baarmlamaanka, ayaa waxaa hadana loo maleynayaa in uu adeegsan doono Dastuurkii dalka loo dejiyay Lixdankii, oo Madaxweynaha awood u siinaaya in uu kala diri karo Baarlamaanka.


Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Dastuurka cusub ka saaray qodob Dastuuri ahaa, oo awood Madaxweynaha u siinaayay in uu kala diri karo Xildhibaanada. Xildhibaanada ayaa qodobkaasi laalay kulan ay yeesheen bishii November ee sanadkii 2012-ka.

Eedeymaha ay Xildhibaanada u soo jeediyeen Madaxweynaha, ayaa waxaa baaritaan ku samayn kara Maxkamadda Dastuuriga, balse Dastuurkan ayaa cadeynaaya haddii aysan Maxkamad Dastuuri ah jirin, in loo laabanaayo Dastuurkii Lixdankii oo oranaaya eedeymaha Maxweynaha waxaa qaadaysa amaba dhageysanaysa Maxkamadda Sare.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ugu yeeray Afhayeenka Baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa u sheegay haddii ay iyagu u noqonayan Dastuurkii Lixdankii, in isagana uu u laaban doono Dastuurkaasi, si uu u kala diro Xildhibaanada.

Guddoonka Sare Baarlamaanka, ayaa isku diyaarinaaya in Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha ay u gudbiyan Maxkamadda Sare Dalka, si baaritaano ugu samayso eedeymaha loo soo jeediyay Madaxweynaha, oo ay ka mid yihiin qiyaano qaran, musuq maasuq iyo ku xadgudub xoriyadda muwaadinka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa aad uga soo horjeedo in ismaandhaafkan siyaasadeed loo gudbiyo maxkamadda Sare si ay go’aan uga gaarto,
waxaana loo malaynayaa in Madaxweynuhu uu qaadi doono tallaabo deg deg ah, haddii Guddoonka Baarlamaanku uu Maxkamadda Sare Dalka u gudbiyo Mooshinkani.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment