Bulsha:- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” ayaa magaalada Gaalkacyo kula kulmay wafdi ka socday dalka Ethopia , kuwaasi oo isugu jira Ganacsato iyo masuuliyiin shirkad diyaaradeed dalkaasi laga leeyahay.
Waxaa wafdigan hoggaaminayay Wakiilka Dawladda Ethiopia u fadhiya Puntland, Asmalaash ayaa waxaa casuumay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland , waxaana kullankaasi ka qeyb-galay Wasiirka Ganacsiga Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle , Wasiiro iyo Ganacsato reer Puntland ah.
Ujeedada socdaalka wafdigan ayaa ah sidii Puntland ula saxiixan lahaayeen heshiis ganacsi oo labada dhinac ka macaashi doonaan.
Hashiiska ayaa qeyb ka ah in Ganacsatadaan ay Kalluunka iyo kheyraadka kale ee Puntland kujira si sharciyeysan u geeyaan Dalka Ethiopia oo xiriir saaxiibtinimo uu ka dhaxeeyo Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa sheegay in uu si aad ah Puntland ugu soo dhaweynayo Ganacsatadaan oo Puntland u yimid sidii ay hashiis ganacsi oo balaaran ula geli lahaayen maamulka Puntland.
Ethiopia ayaa xoojineyso xiriirka kala dhaxeeya maamulada dalka ka dhisan, iyagoo heshiiska dhinaca iskaashiga iyo amaankaba la galay.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment