Bulsha:- Dumarka oo inta badan la sheego in ay yihiin Nafleeyda ugu dareenka badan marka la bar bardhigo Ragga, ayaa hadana waxa ay ka wada simanyihiin Dookha marka la xulanayo Ragga iyaga oo ku xushan Qodobadaan.
Xulashadu maaha mida Guurka balse haasaawaha wakhtiga lagu jiro ama kahor , waxay Haweenku jecelyihiin Ragg leh tilmaamahaan iyada oo qiimeeyn gooni ah siiso.
Kaftanka:- Ragga iyagu kaftanka badan ee fur furan, run ahaantii qofka marka uu kaftamayo dhoola cadeynayo waa mid leh xiiseyn gooni ah, Ruuxa kaftanka badani maahan mid la dareemi kara hadalkiisa midka Beenta ah iyo Ka runta ah, Dumarkuna waxay aad ujecelyihiin in ay xushaan Ragga fur furan ee hadana Dabeecada Wanaagsan leh.
Ragga Leh Sumcada , Sida ragga caan ka ah deegaanka ay ku nooshahay gabadhu laga yaqaano, isaga oo leh xirfad sabab u ah in uu caan baxao sida isaga ooo ku fiican Ciyaaraha , Aqoonta Maadiga ah, Fanka iyo Sugaanta, Aftahanimo iyo wixii la xidhiidha.
Dhaqaale:- Qodobka ugu danbeeya waxa uu noqonayaa dhaqaael waxana u salka ku hayaa qodobkani in uu wiilka lahaado dhaqaale badan oo muuqda iyo qurux, waxayna inta badan dumarku jeclaadaan Ragga wadsa koobsada quruxda iyo Dhaqaalaha.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment