Bulsha:-Qaxooti Siiriyiin ah oo la yiraahdo Mahmoud Bitar oo ku nool dalka Swedan ayaa barnaamij uu ka sameeyay nolosha Swedan iyo sida ay ka aaminsan yihiin dadka kale ee ku fikiraya inay yimaadaan una maleeyo in lacag iyo nolol taallo.
Barnaamijkan oo laga sii daayay BBC- ayaa wuxuu wiilkaani ku soo qaadanayaa sheekooyinka beenta ah iyo quraafaadka ay aaminsan yihiin ama laga dhaadhiciyo dadka jecel in ay Yurub yimaadaan ama Swedan, isagoo muuqaalkiisa kusoo bandhigay lacag wadooyinka daadsan, nolol raaxo leh iyo fikrado kale oo dadka doonaya inay yimaadaan aaminsan.swedan-dont-come-toswedan
Laakiin wuxuu xaqiiqdiisa kusoo koobay in Swedan ay tahay meel xun oo nolol aan ka jirin iyo dalalka kale ee Yurub, haddii dalkiisa nabad kusoo laabtana uu bilaabi doono dib u laabasho.
Dadkeena Soomaaliyeed ayaa laga dhaadhicin karin in wadamada Yurub lagu dhibaateysan yahay oo nolol aysan oolin, haddey ahaan laheyd cimilada iyo nolosha kaleba, waxayna kuu arkayaan marka aad ugu hadasho dhibaatada wadamada reer galbeedka in aad nicmo u diideyso ama kuu arka xaasid.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment