Mashruuca Norway ee Muqdisho lagu hormarinayo iyo Muungaab: Sawirro

Bulsha:- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa maanta dhagax dhigay wado laami ah oo laga hirgelinayo degmada Hodan.

Mashruucaan ayaa waxaa maalgelineysa Dowladda Norway, oo ugu talagashay in dib u dhis loogu sameeyo magaalada Muqdisho.

Wadadan ayaa ka bilaabanaysa isgoyska Taleex oo ku eg jidka wadnaha, waxaana ay qeyb lixaad leh ka qaadan doontaa bilicda caasimadda.muunka-dhismo-2

Dowladda Norway oo mashaariic fara badan dhaqaale ku bixisay ayaa intooda badan ka muuqan magaalada Muqdisho, waana tan keentay in Duqa Muqdisho lagu eedeeyo musuq maasuq iyo cabashooyin ka dhan ah oo loo gudbiyay Madaxda sare ee dalka.


Marka laga soo tago cabashooyinka shaqsiyadeed ee dhulalka ku saabsan masuq maasuqa lagu eedeeyay, waxaa taagan guux iyo muran ku saabsan dhulalkii danta guud oo shaqsiyaad iyo ganacsato loo gacan geliyay, halka dhismooyin caan ah oo Dowladdii dhexe ee dalka laheyd laga dhigay shirkaddo shaqsiyaad ay leeyihiin.



muunka-dhismo-3Waxaa hadda isha lagu hayaa mashaariicdii Dowladda Norway ay ugu talagashay in lagu dhiso wadooyinka Muqdisho oo gebi ahaantood burbursan iyo kuwo u xeran Wasiir ilaa Agaasime iyo Guddoomiye Degmo, taasoo aan waxba laga qaban.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment