Warbixin Kooban:- Reer Buuhoodlle oo markale xaqiijisay Gobonimadeeda.

Bulsha:- Dhacdadii Buuhoodle ee shalay , waxay markale daaha ka qaaday qotodheeraantaanta gobonimo doonimada Buuhoodle iyo sideey go’aan masiireedkooda uga saari lahaayeen mugdi inuu galo ama siigo ku duusho.

Waxay qaadan waayeen inay Puntland iyo haweenayn Garoowe ka timid qoob ka cayaar ku dheelaan gudaha Buuhoodle, waxayna diideen inay daawadayaan wax inta badan ood wadaagtoodu xamileen, ayadoo Laascaanood ay daawato Siilaanyo oo magaalada marba dhinac u tax taxaashinaya, dabcan awoowoyaashood ayey jidkoodii mareen, halka kuwa reer Laascaanood ay baal mareen waxii ay taariikh lahaayeen awoowayaashood.


Reer Buuhoodle caado ayey ka dhigteen inay ka farxiyaan dadkooda, mad madow jirey iyo in Buuhoodle cidkastaba u cayaartana maanta waa ka gil gisheen, waxayna muujiyeen go’aan geesinimo leh, oo bogaadin , Hambalyo iyo sacab mutaystay.

Waxay markale hoosta ka xariiqeen in Abtirsiinyahoodu laba uusan ahayn, waxay kaloo tuseen dad badan oo dhiiran la’ sida reer Laascaanood in Tiknikadaba dhagxaan lagu baacsado, anagoo og in Laascaanood ka dhagax badan tahay Buuhoodle, baahida ugu weyn ee saaka dadku dareemay waxay ahayd dhagax yaraan.

Ugu Danbeyntii Puntland waa inay ku quusataa waxi saaka Buuhoodle kaga dhacay, Ina Camey haduu is lee yahay Abdisamad Aw Cali Shire bareejee oo adna Buuhoodle xasuuq gali, si Garoowe lagaga jeclaado, heli maayo shacab u kala adeega, ee dhagaxu xabadu ayuu isku bedelayaa lagu loodiyo maleeshiyaadkiisa. Inuu bariiskiisa Garoowe iskaga cuno ayaa u dhaanta inuu Buuhoodle u soo hanqal taago kolkale.

Guul iyo Gobonimo reer Buuhoodlle


_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment