Bulsha:- Gudoomiyaha Gobolka Gedo Mr Kaliil ayaa sheegay in ayna suurogal ahayn in,wixii kadhacay Magaalada Ksimaayo lagu tilmaamo in ay yihiin wax dadka Jubbaland ay wada leeyihiin,isagoo sheegay in arintaas ay tahay mid aan suurogal ahayn,loona baahanyahay in shacabka Jubbaland ay ogaadaan in Gedo ayna kamid ahayn Wax ka dhacaya Kismaayo.
“Aad baan ooga Xunahay in Maxamed Cabdi Afay oo ku hadalaya Magaca IGAD uu been ka sheegay Dastuurka Jubbaland iyo Heshiiskii Magaalada Adis abab lagu gaadhay,Waxaan u aragnaa in xaalada Kismaayo ka jirta ay tahay mid afduub ah,oo shacabka Jubbaland xiligan la doonayo in lagu juujuubo Wax Kismaayo ka jira”Waxaa sidaas Yidhi Mr Kaliil gudoomiyaha gobolka Gedo.
Isagoo intaas ku daray in tani ay lamid tahay wixii horay ooga dhacay Magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland qorshaha ka danbeeya ee Maamulka Jubbaland ay leeyihiina ay tahay mid markale gacant loo taago.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment