War Naxdin Leh Halyey Ka Geeriyooday Reer KHaatumo Waa Kuma? Faah Faahin

Bulsha:-  Allaah ha u naxariistee Ciise Garaad Sooffe ayaa ku geeriyooday dalka Denmark subaxnimadii hore ee saaka, Col. Ciise Garaad Soofe ayaa mudooyinkii u danbeeyey aad ugu xanuunsanayey dalkaasi Denmark, wuxuna Allah ha u raxmadee subaxnimadii wakhtiga Farjka ku xijaabtay cusbitaal ku yaala magaalada labaad ee dalkaasi Denmark.

Ciise Garaad Soofe ayaa ka mid ahaa saraakiishii ugu caansanaa ee dalka Soomaaliya, wuxuuna xilal sar sare ka soo qabtay wasaaradii gaashaandhiga ee Soomaaliya, sidoo kale wuxuu mudooyinkii ugu danbeeyey ahaa ganacsade si weyn uga dhexmuuqday horumarita dalka gaar ahaan deeganada Khaatumo State, asagoo keenay mashaariicn badan oo ay shuraako kula yihiin ganacsato ayaguna reer SSC ah.

Hadii aan Nahay  Bahda warqabadka Balicad Waxaan Leenahay Samir iyo iiimaan Eebbe Ha inaga Siiyo  Marxuunka Isna Janadii Haku Fogeeyo

AAMIIN  AAMIIN AAMIN 







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment