Bulsha:- Wararka ka imanaya magaalada Marka ayaa sheegaya in howlgal ay ciidamada AMISOM ay ka fuliyeen magaaladaasi ay ku dhinteen dad rayid ah.
Maxamed Macalin Iidey, oo la dhashay afarta wiil ee la dilay ayaa sheegay inuu ka naxay maqalka dilka loo geystay aabihii, afar wiil oo la dhashay iyo adeerkii oo ku sugnaa magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.
“Aabahey, Afar wiil oo ila dhalatay & Adeerkeey wey dhinteen, Farxad aroos ayaan ku jirnay, laakiin farxadii murug ayay isku badashay alle ha u naxariisto dhamaan dadka dhintay”ayuu yiri Maxamed Macalin isago ilmeynaya.
Talaabadan ayaa waxay ka danbeysay markii ciidamada AMISOM qarax lala eegtay.
AMISOM waxay barteeda twitter-ka ku sheegtay inay arrintan baarayso.
Bishii hore ciidamada AMISOM ayaa lagu eedeeyay inay dad rayid ah ku dileen Marka, inkasta oo AMISOM ay beenisay arrintaas
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment