War deg deg ah Qaxoontigii Soomaaliyeed ee Kenya Joogay oo Lagu Daabulay Diyaarad Faah faahin + Sawirro

Bulsha:- Tiro ka mid ah qaxootiga Somaliyeed ee dhaqan Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab Ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayaa waxay maanta diyaarad ka raaceen Dhadhaab, si ay dib ugu laabtaan dalkooda.

Qaxootigan oo si iskood ah u dalbaday inay ku laabtan Magaalada Muqdisho, ayaa noqonaaya qaxootigii ugu horeeyay oo diyaarad looga soo qaado Xeryaha Dhadhaab, tan iyo sanadkii 1991-kii, oo qaxootigu uu u cararay Kenya.

Hay’adda UNCHCR oo Qaramada Midoobe u qaabilsan dhinaca qaxootiga, ayaa waxay sheegtay in dadkaasi diyaarad looga qaadaayo Xeryaha Dhadhaab, arrimo amni awadood.

Qaramada Midoobe waxay gacan ka gaysanaysaa dadka Somaliyeed ee doonaaya in si iskood ah loogu celiyo goobihii ay ka kala yimaadeen, iyadoo aanu jirin khasab lagu celinaayo dadkaasi.

Diyaaradan waxaa la socday 116 qof oo dhammaantood ku wajahan Magaalada Muqdisho, halkaasoo ay markii horeba ka yimaadeen muddo tobonaan sano laga jooggo.

Xeryaha Qaxootiga Degmada Dhadhaab waxaa ku nool shan boqol oo kun oo Qaxooti Somaliyeed ah, kuwaa oo dalka Kenya u tagey, sidii ay u heli lahaayen xaalad amni oo ka wanaagsan midda Somaliya.












_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment