DAAWO SAWIRADA:- Shilal Tareen oo ka dhacay Dalka Hindiya iyo dad badan oo la xaqiijiyay in ay ku dhinteen

Bulsha:- Labo Shil tareen oo dad bada ku dhinteen ayaa siyaabo kala duwan uga dhacay Dalka Hindiya, shilalkan ayaa la sheegay in ay sababeen fatahaado ka dhashay roobab xoogan oo ka da’ay halka ay shilalku ka dhaceen.

In ka badan 20-qof oo kamid ahaa rakaabkii saarnaa tareenadaasi ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen shilalka dhacay, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad kale oo aad u badan kuwaa oo goobaha caafimaadka loola cararary


Laba tareen ee shilka galay oo ah kuwa rakaabka qaada ayaa ka baxay khadkii ay ku socdeen daqiiqado gudahood bartamaha dalka Hindia, Saraakiisha dalka Hindiya ayaa sheegaya in dhowr boqol oo qof la soo badbaadiyay.

Shilka ayaa dhacay markii tareenka Kamayani Express, oo ku socday magaalada Varanasi, uu ka baxay khadka mar uu marayay buundo dulmarta webi mara gobolka bartamaha ee Madhya Pradesh, Daqiiqado gudahood ayaa tareen kale oo dhinac kale u socday isna sidoo kale uu khadka uga baxay.









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment