DAAWO SAWIRADA:- Dhismaha Ugu Dheer New York Oo Isku Bedelay Shaashad Lagu Baahiyo Xeywaanada

Bulsha:- Dhismaha Empire State ee magaalada New York, oo ka mid ah kuwa dunida ugu dhaadheer ayaa waxaa mar qura hortiisa buux dhaafiyay Boqolaal shacab ah kadib markii wajiga hore ee dhismahaasi isku bedeshay shaashad weyn oo laga baahiyo xeywaanada suuragalka ah in mudooyinka soo socda ay ka ciribtirmaan adduunka.

Dhismaha Empire State ee magaalada New York, ayaa horay u ahaan jirtay dhismaha ugu dheer caalamka, balse waxaa mudooyinkaani danbe ka dheeraaday dhismooyin kale oo caalamka intiisa kale laga dhisay.

Milkiilayaasha dhismaha ayaa gabi ahaan wajiga dhismaha u bedelay shaashad, waxaana ka soo baxayay, Libaaxii uu toogashada ku dilay ninka reer Maraykan iyo xayawaanada laga cabsida qabo in dunida ay ka dabar go’aan.













_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment