Bulsha:- Wararka inaga soo gaaraya deegaanada uu dagaalka ka socdo ee Gobolka Baay, ayaa sheegaya in ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda ay xarunta Magaaladaasi Baydhabo ay geeyeen gaadiid dagaal oo ay ka qabsadeen ciidamada Ururka Al-Shabaab.
Gaadiidkaan dagaalka ayaa la sheegay in ciidamada Amisom ay ku qabsadeen, duqeyn ay ku garaaceen deegaanka Dalandoole oo hoostagta Magaalada Buurhakaba ee Gobolka Baay, gawaaridaan ayaa la sheegay in lagu qariyay dhul kayn ah oo lama galaan ah.
Wariye ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom, gaadiidkan ay kasoo galiyeen dhanka wadada aada Magaalada Muqdisho, waxaana lasoo dhexmarsiiyay Baabuurta ay soo qabsadeen Bartamaha Magaalada Baydhabo si ay u tusaan shacabka ku dhaqan magaaladaasi.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment