Bulsha:- Nin u dhashay dalka Ukraine ayaa lagu soo warramayaa in uu ka soo baxsaday hoteel ku yaal bartamaha dalka Mali, halkaasi oo afduub ay ugu haysteen rag hubaysan oo looga shakisan yahay in ay yihiin Islaamiyiin.
Ilaa iyo hadda ma cadda tirada dadka weli lagu haysto hoteelkaasi Byblos ee magaalada Sévaré.
Hoteelka ayaa waxaa la wareegay rag hubeysan kaddib markii ay dagaal culus la galeen ciidammada dalkaasi Mali, dagaalkaasi oo ay ku naf waayeen 8 qof.
Dadkaasi dhintay waxaa ka mid ah nin ay Qaramada Midoobay markii dambe ay xaqiijisay in uu u shaqeynayay howlgalka Qaramada Midoobay ee dalkaasi Mali ee MINUSMA.
Weli lama shaacin magaca ninkaasi iyo waddanka uu u dhashay.
Mas’uuliyiinta dalkaasi Mali ayaa sheegaya in ay suuragal tahay in qof u dhashay dalka Ruushka iyo saddex u dhalatay Koonfur Afrika ay weli ku jiraan gudaha hoteelka Byblos.
Ninka u dhashay dalka Ukraine ayaa soo baxsaday xilli ay socotay rasaas ay iswaydaarsanayeen mintidiinta iyo ciidammada ku hareeraysan hoteelka.
Ilaa iyo haatan ma ay cadda kooxda dadkaasi afduubka u haysata.
Balse mintidiinta Islaamiga ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerrara kale oo dhawaan ka dhacay koonfurta iyo bartamaha Mali.
Qaramada Midoobay waxaa dalkaasi ka jooga 10 kun oo shaqaale ah, kuwaasi oo inta badan ku sugan waqooyiga Mali.
Shaqaalahan ayaa halkaasi la geeyay kaddib markii ciidammada milateriga Faransiiska ay soo farageliyeen dalkaasi sanadkii 2013 si ay uga hortagaan kooxaha Islaamiyiinta ah ee ay ku jirto Al-qaacidah.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment