Cabdi iley oo waji Gabaxii ugu xumaa kala kulmay Addis ababa xafiiska sirdoonkana looga yeedhay.

Bulsha:- Ila wareed kusugan magaalada Addis ababa oo xog waraysi kooban aan kala yeelanay socdaalka Cabdi iley ee magaalada Addis ababa ayaa sheegay in xaalka Cabdi iley uu kabadalan yahay sidii lamoodayay.

Cabdi iley ayaa subaxnimadii Jimcaha waa maalinkii shalay e’ waxaa uu iska xaadiriyay xarunta EPRDF, waxaa se loo sheegay in looga baahan yahay xafiiska sirdoonka ee maamulka Woyanaha, taasi oo qaadan waa iyo walaac xoogan ku abuurtay.

Sida ay kuwaramayaan ilaha warkani aan kahelay Cabdi iley ayaa isla markiiba u dhaqaaqay dhinaca xafiiska sirdoonka ee maamulka Woyanaha, halkaasi oo mudo dheer uu ku maqnaa kana soo Laabtay abaaraha saacadu markii ay ahayd 11:30- barqanimo.

Lama Oga waxa xafiiskaasi loogaga yeedhay iyo su’aalaha lawaydiiyay waxa ay ahaayeen waxaa se muuqata in kooxda Woyanuhu Cabdi iley kudhagan tahay, xaalkuna sidii Hore kabadalan yahay.

Cabdi iley waxaa magaalada Addis ababa uga sii Horeeyay Maxamed Rashiid oo ah Gudoonka xisbi kusheega Jigjiga, kaasi oo sida laga warqabo uusan xidhiidhkoodu wanaagsanayn marka laga reebo sawirada ay wada Galaan ee Cabdi iley baraha Internetka soo dhigo.





Xigasho:- Ogaden
 


_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment