VIDEO:- Hogaanka Amisom oo Qiray in Magaalada Marko Lagu Laayeen Shacab aan Waxba Galabsan

Bulsha:- Maman Sidikou oo ah Danjiraha Ciidamada Midowga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa qiray in Ciidamada AMISOM ay 7 Ruux oo shacab ku Dileen magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Falkan ayaa waxuu ka dhacay Guri uu ka dhacayay Nikaax taariiqdu markii ay ku beegneyd 31-ka bishii Julaayo ee aan soo dhaafnay waxaana Ciidamada AMISOM ay halkaasi ku Dileen 7 Ruux oo 6 ka mid ah ay isku qoys ahaayeen.


Maman Sidikou ayaa sheegay in Askarta ka dambeysay falkaasi la soo taagi doono Maxkamad militari islamarkaana lagu qaado dambiga ay ka fuliyeen Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose.

“Kama aamusi doono waxaana balan qaadayaa in Maxkamad militiri ay ka soo muuqdaan Askarta ka tirsan Ciidamada AMISOM ee ka dambeeyay weerarka lagu Dilay 7 Ruux oo aanu waxba galabsan” sidaasi ayuu sheegay Maman Sidikou isagoo ku sugan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment