Bulsha:- Guddoonka Sare Baarlamaanka Somaliya, ayaa maanta xaqiijiyay in uu sii furnaan doono Fadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Somaliya, illaa iyo inta laga maaraynaayo ajandayaasha horyaala Baarlamaanka, oo Mooshinka Madaxweynaha laga keenay uu ugu horeeyo.
Qodobka 24-aad ee Xeer Hoosaadka Baarlamaanka, farqadiisa 5-aad, ayaa oranaaya “Fadhiyada Baarlamaanka waxay soconayan illaa laga dhameeyo ajandaha horyaala Golaha Shacabka iyo hindise sharciyeedyada deg-degga ah.”
Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo cuskanaaya qodobkaasi, ayaa ku dhawaaqay in Fadhiga 6-aad uu sii furnaan doono, illaa iyo inta laga maaraynaayo ajandayaasha Baarlamaanka horyaala, ee Mosohinka uu ugu horeeyo.
Gudoomiyaha, ayaa yiri “Wuxuu qorshahaynu ahaa 27-ka bishan inaan soo gaba gabeeno Fadhiga 6-aad. Laakiin inta aan ka maaraynayno ajandayaasha Baarlamaanka horyaala, waa sii shaqayn doonaa.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.
Jawaari, ayaan kala cadayn goorta lagu wado in la soo xiro Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka, balse Xildhibaanada Baarlamaanka, ayaa u muuqdo kuwo bil dheeraad ihi sii shaqayn doono.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment