Bulsha:- Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe oo shalay galinkii danbe shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa uu ka jawaabay su’aalo kala duwan oo ay wariyaashu weydiiyeen oo ay ka mid eheyd xilkaadistii Kaliil.
Axmed Madoobe ayaa mar wax laga weydiiyay in la badalay Gudoomiyihii Gobbolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa waxaa uu sheegay in arrintaasi laga arki doono digreetada badalka ee soo bixi doonta.
Max’ed Cabdi Kaliil ayaa isagana ka hadlay xil ka qaadisata waxa uuna sheegay in aan xil laga qaadi karin ,isaga oo cadeeyay in uu bur buray heshiiskii lagu gaaray Dooloow.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment