NEWS:- Nin is qarxin rabay oo ka hor inta uusan isqarxin isaga qarxay magaalada Muqdisho

Bulsha:- Askari ka mid ah ciidanka Al-Shabaab oo Doonayay inu isku qarxiyo bulshada dhaxdooda ayaa ku dhintay intii uu isku xirayay Qaraxa, waxayna dhacdadaasi ka dhacday Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir gaar ahaana halka loo yaqaan Masjidka Cali Geeddi.

Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Somaaliyeed Sareeya Guuto C/raxmaan Maxamed Tuuryare Cumda oo ay wehliyeen Saraakiil ka tirsan hay’adda ayaa kormeer ku tagay Halka uu ku qarxay dhagarqabaha katirsanaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee doonayay inuu dhibaateeyo shacabka Somaaliyeed balse isaga naftiisa ku waayay.

Intaasi kadib ayaa Ciidamada Nisa waxay qabteen Xaaska ruuxa geeriyooday iyo Gabar la dhalatay,nin Mooto Bajaaj ku qaadi rabay iyo Milkiilaha Guriga uu deganaa ninka dhintay.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan oo Saxaafada kula hadlay irida guriga uu deganaa dhagarqabaha Naftisa haligay ayaa waxa uu sheegay in Guriga ay lawareegtay Dowaldda Somaaliya gaar ahaan Hay’ada Nabadsugida iyo Siroonka islamarkaana baaris lagu sameynayo kuwa gacanta lagu hayo.


“Sidaa ujeedaanba Ciidamada Amniga waxay ka hortageen islamarkaana ay ka hortageen inuu dhaco dhib ay Al-Shabaab la damacsanaayen bulshada ah oo dadka dhan shaqooyinka ka nasanayaan mid kamid ah Al-Shabaab uu rabay intuu umada dhaxtago inuu isku qarxiyo qaar kamid ah Ciidamada NISA oo roondo ugu socday meelaha ka baxsan magaalada nin dhalinyaro ah oo 17-jir ah oo la yiraahdo Mustafa Ibraahim Cali ayaa geed hoostiisa geedka loo yaqaana Cali garoobka rabay inuu iskulasoo xiro waxyaabaha qarxa suun ah oo dhaxda uu ku xiranaayay markii uu arkay askari katirsan NISA oo askarigiina uu weydiiyay meesha maxaa ugu jirtaa markiiba waxaa qarxay ninkii dhalinyarada ahaa ee la dhihi jiray Mustafa Ibraahim Cali afrax oo sidaa aragteenba ukala go’ay dhowr cad ciidanka markiiba baaris ayay sameeyen waxay qabteen ninkii mootada ku qaadi lahaa oo geyn lahaa meel ay dadka ku badan yihiin. ” ayuu yiri Afhayeenka Wasaarada Amniga.

Waa markii ugu horeysay oo ciidamada Nabad Sugida Somalia shaaciyaan ruux damacsanaa qarax oo ka hor qaraxaasi isaga uu ku qarxay.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment