C/weli Gaas: Puntland uma baahna ciidamo ka socda AMISOM

Bulsha:- Madaxweynaha Puntland C/wali Cali Gaas ayaa sheegay in maamulkiisa aanu u baahneyn Ciidamo ka socda AMISOM oo la geeyo deegaanada maamulkiisa ka arimiyo, isagoo xusay in ciidankiisa awood u leeyihiin la dagaalanka Al-Shabaab.

C/wali Gaas ayaa albaabada u furay caawinaad ay ka helaan dowladda Dhexe iyo Ciidamada AMISOM ee ka socda Midowga Afrika, si ay u xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaabka saldhiga ku leh Buuraha Galgala.

gaasCiidamada AMISOM ayaa waajibaadkooda aheyn inay ka howl galaan deegaanada Puntland, hase haatee Madaxweyne Gaas ayaa sheegaya in taageeradii ay xaqa u lahaayeen aanay ka helin, isla markaana ay tani muujineyso cadaalad darro, maadaama kaliya ay caawiyaan Ciidamada dowladda ee ku sugan Gobollada Koofureed.

“Uma baahni ciidamada AMISOM, ciidamada Puntland waxay leeyihiin awood ay kula dagaalamaan Al-Shabaab, Laakiin waxaa u baahanahay in nalagu caawiyo qalab milateri, isgaarsiinta, gaadiidka, hub iyo rasaas”ayuu u sheegay Madaxweyne C/wali Gaas oo la hadlayay Wakaalada wararka ee Reuters.

“Taageeradani waa waxa aan u baahanahay, ee aan xaqa u laheyn, inaan helno waxyaabahan oo dhan, maxaa Ciidamada Muqdisho u caawiyay iyo Maxaa Ciidamada Puntland u caawin weyday? tani waxay muujineysaa cadaalad darada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya”ayuu si kulul u yiri Madaxweyne Gaas.

Illaa saddex kun askari ayuu qorshuhu yahay in Puntland ay ku biiriso ciidamo la isku dhafayo oo la doonayo in la qarameeyo, ciidamadaas oo dhaqaalahooda ay bixineyso dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.


_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment