SAWIRRO: Kullan 2 geesood looga arrinsanaayay Al-qaacidada Somalia oo ka dhacay Kampala

Bulsha:- Waxaa magaalada Kampala ee Xarunta dalka Ugandha ka dhacay kulan laba geesood ah oo looga hadlaayay arrimaha Somalia iyo la dagaalanka Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Kulanka ayaa waxa uu ahaa mid u dhexeeyay Madaxweynaha Uganda, Yuweri Museveni iyo Madaxweynaha Kenya Uhurro Kenyatta, waxaana Casuumaadu aheyd mid uu fidiyay Museveni.

Dhinacyada uu kulanka u dhexeeyay, ayaa waxay xoojin u yihiin dadaalada ay laamaha ammaanka Uganda iyo Kenya isaga kaashanayan ka hortaga weerarada argagaxiso, xilli dalalkaasi ay ka mid yihiin Wadamada Ururka Midowga Afrika, ee Ciidamadu ka jooggaan Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya.

Museveni iyo Uhuru waxay kaloo ka wada hadli doonaan Hawlgalka AMISOM, La-dagaalanka Maleeshiyada Al-shabaab iyo Is dhaafsiga Sirdoonka, waxa ayna si wada jir ah ugu hanjabeen Al-shabaab, iyaga oo sheegay inay beegsan doonaan Xarumaha Maleeshiyada.

Kenyatta waxa uu tilmaamay inaysan Kenya nabad noqon kaarin inta ay dalalka deriska dagaallo ka socdaan, wuxuuna sheegay inay ka go’an tahay in laga shaqeeyo sidii Somala iyo South Sudan looga dhigi lahaa dalal ay ka jiraan nabad buuxda.

Dhinacyadaasi, ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha ganacsiga, dhaqaalaha iyo siyaasadda mandiqadda Geeska Afrika, iyagoona ku dheeraadaayay sidii loo dardargelin lahaa horumarka xilligan ka jira Afrikada Bari.

Madaxweyne Kenyatta, ayaa lagu wadaa in muddo saddex cisho ah uu booqasho ku jooggi doono Xarunta Wadanka Uganda, waxaana la fillayaa inay si gaar ihi isu arkaan Madaxweyne Museveni.











_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment