DAAWO SAWIRADA:- Taliska AMISOM Ee G,Hiiraan Oo Fah Faahin Ka Bixiyay Howlgalkii Lagu Furayay Wada Isku Xirto B,weyne Iyo Bulo Burte

Bulsha:- Taliska Afaraad ee ciidamada AMISOM  oo shir jaraaid ku qabtay xarunta  AMISOM ee magaalada B/weyne ayaa ka hadlay Howlgal maalmihii ugu dambeyay ka socday degaana hoosyimaada Magaalada B/weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Col’Cabdi raxmaan Cabdi dhibil Taliyaha qeybta afaraad ee AMISOM oo ka hadlay howlgalkii ay qaaden ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada soomaaliya waxa uu shegay in howlgalkani uu yahay mid al.shabaab looga saaraya degaanada ay kaga sugan yihiin Gobolada  Hiiraan iyo Galgaduud.

Col’Cabdi Raxmaan Cabdow Dhibil waxa kale uu ka hadlay qasaaraha ka dhashay dagaalkii ay la galen al.shabaab waxaa uu shegay in howlgalkaasi ay ku dilen sideetan sagaal dagaal yahan oo ka tirsan Ururka al.Shabaab isago inta ku daray in ay fariisima ka sameysan doonan qaar kamid ah degaanada ay kala waregen Al.shabaab.

Howlgalki ay qaade Ciidamada Dowlada soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxa qeyb  ka ahaa ciidama lagu magacaabo Ciiltire ee ka socda wadanka Jabuti kana mid ah howlgalka AMISOM waxana ay ciidamadaasi furi donaan wada isku xirta Halgan iyo Degmada buloburde sida uu shegay Gaashaanle sare maxamed Cilmi Cabane oo ah Taliyaha ciidanka Ciiltire.

Maalmihii ugu dambeyay dhaq dhaqaaqya ciidan ayaa ka socday qeyba kamid ah Gobolka hiiraan waxana howlgalkaasi ciidamada is garab sanaya ay kula warege degaana hosyimaada magaalada b/weyne oo al.shabaab ay horay u maamuli jireen.











_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment