Mudanayaasha Baarlamanka K/galbeed oo lagu soo xulayo 30 maalmood

Bulsha:- C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa), oo ah wasiirka arr/gudaha DF, ayaa maanta gaaray magaalda Baydhaba ee Xaruunta maamulka Koofur Galbeed.

Wasiir (Odowaa), ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo xaflada soo xulista xubnaha kamid noqonaya Baarlamanka maamulka K/galbeed, waxaana arintaas u xil saaran (Odoyaasha-dhaqanka) beelaha dega (Baay,Bakool & Shabeelaha Hoose), halka wasaarada arrimaha gudaha doorkeedana uu yahay ineey korjoogto uun ka ahaato.

shariif-madoobe-1M/weynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan, oo ka hadlay xaflada furitaanka, ayaa sheegay in (Odoyaasha-dhaqanka) looga baahanyahay ineey mudo 30 maalmood ah kusoo xulaan xubnaha kamid noqonaya Baarlamanka maamulka K/galbeed.

Sidoo kale M/weyne Shariif Xasan, ayaa (Odoyaasha) ka codsaday ineey tix galiyaan codsiga Haweenka, kaasoo ah in xubno badan laga siiyo Baarlamanka.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment