Dowlada Japan oo xusaysa Nagasaki

Bulsha:- Japan ayaa ku qabatay xus dareen wayn leh magaalada Nagasaki, halkaasoo ciidamada cirka ee Maraykanka ay bambaano nukliyeer ah ay ku rideen toddobaatan sano ka hor sagaalkii bishii August.

Xuska ayaa dadkii noolaa ee ka badbaaday dagaalka iyo duqa magaalada Nagasaki, ay dhaleeceeyeen qorshaha hadda ee dowlada ee lagu badalayo dastuurka, taasoo saamaynaysa siyaasada milataraiga Japan.

Hadalkooda ayaa helay sacab kaga yimid dadwaynha. Ra’iisawasaalaha Japan, Shinzo Abe, oo doonaya isbadalka dastuurka ayaa fadhiyay goobta. In kabadan toddobaatan kun ayaa ku dhimatay bambaanada iyo cudur ka dhashay nukliyeerka.

Bambaanada, ayaa waxaa ku riday Japan diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka saddex maalin kadib markay ku rideen bambaanadii nukliyeerka ee ugu horeeyay magaalada Hiroshima.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment