Sawiro: M/weynaha Galmudug oo la kulmay danjiraha UK ee Somalia

Bulsha:- Safiirada Ingiriiska u fadhisa Soomaaliya Ambassador, Harriet Mathews, ayaa Xafiiskeeda Muqdisho ku qaabishay M/weynaha maamulka Galmudug Abdikarim Hussein Gulled.

Amb. Harriet Mathews, ayaa M/weyne Guuleed ugu hambalyeeysay xilka dhawaan loo magacaabay, waxayna ku bogaadisay inuu ka shaqeeyo dib’u heshiisiinta dadka wada daga Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Sidoo kale Amb. Harriet, ayaa M/weyne Guuleed ugu baaqday inuu wadahadalo la furo maamulka deriska ay yihiin ee Puntland iyo Urur diimeedka Ahlusuna oo labadoodaba mucaardsan maamulka Galmudug.









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment