Bulsha:- Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ay maanta soo saartay ku sheegtay inay diyaar u tahay inay gacan ka geysato baaritaanka iyo eedeymaha loo soo jeediyay Shirkadda Soma Oil & Gas ee baaritaanka Shidaal kawada Dalka Soomaaliya.
Xafiiska wax is dabamaarinta u qaabilsan dalka Ingariislka ayaa baaritaan ku bilaabay Shirkadda Soma Oil & Gas, waxaana arrintan ay dhalisay walaac durbaba dhaliyay heshiis Shirkada ay la saxiixatay Wasaarada Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
“Wasaaradda waxay qireysaa inay Bishii April 24 2014 la saxiixatay heshiis shirkadda SOMA, kaasoo ahaa in Shirkaddu ay ka caawiso Wasaaradda in ay kobciso awoodeeda waxqabad si ay u fuliso howlaha loo xilsaaray”ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Batroolka iyo Macdanta.
Shirkada Soma ayaa ku qarash gareysay lacag gaaraysa $40 million oo Dollar sahan ay ku sameysay dhul gaaraya 60,000 square kilometers (23,166 square miles) badda iyo xeebaha dalka Soomaaliya.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment