Bulsha:- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Jeneral Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa booqasho ku soo gaarey magaalada Nairobi, kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Guddoomiyaha gobolka Nairobi ee dalka Kenya.
Guddoomiye Muungaab ayaa Waxaa safarkiisa ku wehliya wafdi uu ka mid yahay Guddoomiye Ku Xigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir, Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ,Agaasimaha Howlaha Guud iyo Agaasimaha Xafiiska Duqa magaalada. Sidoo kale waxaa waddabka horay u sii joogey Agaaasimaha Xiriirka Caalamiga ah ee Gobolka Banaadir
Mudane Muungaab ayaa Maalinta Barita ah la kilmi doona Duqa Magaalada Nairobi iyagoo ka wada Hadli doona sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya labada magaalo ee Muqdisho iyo Nairobi.
Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir C.fitaax Cumar Xalane oo socdaalkaas ku wehliyay Guddomiyaha Gobalka Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Radio Muqdisho u sheegay in kulankaasi labada Duq magaalo ay ku kala saxiixan doonaan Heshiisyo Hormarineed oo ay iska kaashan doonaan labada magaalo.
Guddoomiyaha Gobalka banaadir Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa inta uu ku suganyahay Dalkaasi waxa uu sidoo kale kulamo la qaadan doona Ganacsato iyo mas’uuliyiin ka tirsan dalkaasi si ay qeyb uga noqdaan dalalka Maalgashiga dhaqaale ku sameysanaya dalka soomaaliya oo hadda galay isbadal degganaansho oo dhinaca Ammaanka ah.
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment