Bulsha:- Wargeyska Inner CityPress ee ka soo baaxa Dalka Maraykanka ayaa qoray in Sargaal u shaqeenayay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Adeegyadda Mashaariicda uu shaqadiisa ku waayay xog aan raali laga aheyn uu bixiyay.
Daxid Bax oo ahaa sargaal katirsan UNPOS ayaa bilowgii sanadkan bixiyay xog uu ku sheegay in Dowlada Soomaaliya ay gadaneyso Gantaalladda Lidka Diyaaradaha ee SA 7, waxaana xogtan uu sargaalka siiyay wareyska Inner CityPress .
Sargaalkan katirsanaa UNPOS ayaa la sheegay in uu qandaraaskiisa dhawaan uu ka dhacay uuna ku fashilmay in loo cusbooneesiiyo, kadib markii lagu qabsaday xogta uu bixiyay ee ku aadaneed Dowlada Soomaaliya ay gadaneyso Gantaalladda Lidka Diyaaradaha ee SA 7.
Wargeyska Inner CityPress ayaa qoray David Bax shaqadiisa ku waayey kadib markii xog aan loo fasaxin raalina laga aheyn uu bixyay, wararka qaar ayaa sheegaya in sargaalkan shaqadiisa ku waayay kadib markii uu qandaraaskiisa dhacay, sidoo kale uu galay qaladaad kale oo badan.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment