Bulsha:- lle ha Naxariistee Cabdirashiid Cali Sharmaarke Markii ay Soomaaliya noqotay dal madaxbannaan 1dii bishii Agosto 1960kii, wuxuu noqday Ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay ee ay yeelato Jamhuuriyadda Soomaaliya,
Wuxuuna markiiba bilaabay in uu dadaal u galo sidii uu guulaysan lahaa dhinaca arrimaha dibadda, wuxuuna dalka Ra’iisul Wasaare ka ahaa illaa 1964tii.Ka dib doorashooyin dalka ka dhacay wuxuu mar kale noqday xubin ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Sanadkii 1967dii doorashooyin la qabtay laguna dooranayay madaxweyne cidda ka noqoneysa dalka ayaa loo doortay in uu dalka Madaxweyne ka noqdo,ka dib markii doorashooyinkii dhacay uu kaga guuleystay madaxweynihii xilka kaga horreeyay ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan “Aadan Cadde”, wuxuuna xafiiska kala wareegay isla sanadkaas oo ku beegan 10kii Luuliyo 1967kii.
Labo sano ka dib markii uu dalka Madaxweyne ka noqday ayaa askari ka tirsan ciidamadii ilaalada ka hayay uu toogasho ku dilay 15kii bishii Oktoobar 1969kii, isagoo booqanaya gobolada Waqooyiga Soomaaliya, Waxaana Halkan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaal Taariikhi ah oo ku aad Qaabkii loo aasay.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment