Nolosha 900,000-Qof Somali ah oo Halis ku jirta & digniin laga soo saaray..

Bulsha:- La-taliyaha guud ee Hay’adda Beeraha Adduunka ee FAO ugu qaabilsan dhinacyadda Biyaha iyo Maamulka Dhulka ee SWALIM, ayaa sheegay haddii ay fatahaad sameeyaan Webiyadda dalka Somalia inay taasi khatar ku keeni karto ilaa 900,000 oo qof oo deggan Jiinka Webiyadda Shabelle iyo Jubba.

Khabiirkaasi oo lagu magacaabo Xuseeen Gadayn ayaa digniintaasi ku sheegay War saxaafadeed uu ka soo saaray magaalladda Nairobi, wuxuuna tilmaamay haddii ay da’aan roobab ka badan kuwii caadiga ee saddexda bilood ee ugu dambaysa sannadkan 2015-ka inay dhacda dhibaatooyin dhanka Cimilladda eel ala yaabo.

Wuxuuna xusay inay horseedi karaan roobabkaasi inay cagta mariyaan Faa’idooyinka Horumarka ee laga gaaray Koonfurta Somalia, tan iyo sannadkii 2011-kii oo ay ka dhacday Abaartii ugu xumayd.

Waxaa la sheegay inay macluushaasi ku geeriyoodeen dad lagu qiyaasay 360,000 oo qof.

Dhinaca kale, Khabiirka ka tirsan Hay’adda Beeraha Adduunka ee FAO waxa uu ka digay inta ay socdaan Roobka loogu magac daray El Nino keeni karaan dhimasho, cudduro iyo burbur ku yimaada hantida iyo Adeegyadda kale.


Waxa uu tilmaamay inay Cimilladda El Nino ee laga digayo inay la mid noqon karto Cimilladii sannadihii 1997-dii ilaa 1998-dii ku dhuftay inta badan Koonfurta Somalia, oo ay ku geeriyoodeen 2,000 oo qof.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment