Bulsha:- Warar goordhow soo baxay ayaa sheegaya Filimka soo socda ee Saif Ali Khan iyo Katrina Kaif ay wadeen ee Phantom in laga ganaaxay dalka Pakistan.
Tani waa guuldaro weyn oo ku habsatay filimkan kahor inta aan la siideyn iyadoo Pakistan ay u tahay il dhaqaale oo weyn filimada Hindiga maadaama dalkaas aad looga jecelyahay daawashada Filimada Hindiga.
Filimka ayaa ka hadlaya qaraxyadii ka dhacay Mumbai 2008 kaas oo ay dad badan ku dhinteen.
saif ali khan and katrina kaif film 2015 banned at pakistan
Wadaad diimeedka reer Pakistan Hafiz Saeed ayaa horay ugu codsaday Dowlada Pakistan in filimkan aan laga daawan dalkooda maadaama lagu dhaleeceynayo diinta islaamka iyo dalkooda.
Khamiista maanta oo ay ku beegan tahay 20-August Maxkamada Pakistan waxaa ay ganaaxday filimkan inaan laga daawan doonin dalkooda 28-ka August oo ah xiliga uu soo baxayo.
Kani waa filimkii labaad ee Directar uu ka yahay Kabir Khan oo laga ganaaxo dalka Pakistan horayna waxaa looga ganaaxay dalkaas filimkii Salman Khan ee sirdoonka Ek Tha Tiger.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment