Daawo Layaabka:- Masjid ku yaal Swedan oo maamulkiisa lasoo jeediyay in lagu qeybsado 4.5

Bulsha:- Buuq iyo muran xooggan ayaa ka taagan masjidka Soomaalida ee maagalada Nässjö ee dalka Swedan, kadib markii la isku qabsaday hoggaanka maamulka masjidkaasi.

Murankan oo mudo soo socday ayaa ugu danbeyntii gaaray in koox ka mid ah Soomaalida nässjö ay soo jeediyeen in maamulka masjidka lagu qeybsado nidaamka 4.5 ee maamulada Soomaalida wax ku qeybsado.

Koox falaago ah oo kasoo horjeeda horumarka masjid isla markaana diidan hoggaanka masjidkaasi Sheekha Yuusuf ayaa arrintan soo jeediyay, waxayna ku baaqeen in doorasho hoggaan ku saleysan 4.5 la qabto, lagana soo qeyb geliyo dadka aan masjidka ku xirneyn iyo kuwa nolosha ka dhacay ee balwadaha isticmaala si ay codka 4.5 ugu helaan.

Waxgaradka iyo adka qaarkiis ee magaalada Nässjö ayaa kasoo horjeeda arintan, taasna hadii ay sii socoto laga cabsi qabo in uu meesha ka baxo jiritaanka masjidka sida ay dadka qaarkiis ku socdaan.










_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment