Bulsha:- Dowlada Maraykanka ayaa digniin u dirtay Xukuumada Siiriya kadib markii ay maleeshiyaad tababaro kusoo qaatay Turkiga oo uu Maraykanka soo diray ay gudaha usoo galeen wadankaasi.
Ciidamadan Maraykanka soo tababaray ayaa la sheegay inay la dagaalamayaan xoogaga ISIS, waxayna ka kooban yihiin jamhadaha qunyar socodka ee Siiriya.
Dowlada Siiriya ayaa lala socodsiiyey in Maraykanka uu duqeyn doono hadii ay wax weerar ah ku qaadaan ciidamadan Maraykanka kusoo tababaray Turkiga, arrintan oo ay Xukuumada Bashaar Al Assad ku tilmaamtay mar marsiinyo lagu doonayo in xilka looga tuuro.
Maraykanka ayaa tan iyo dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay duqeyn ka wada dalka Siiriya oo uu horey u sheegay inaysan weerar ku qaadi doonin, duqeynta ayaa inta badan lala beegsanayey xarumaha kooxda ISIS.
Maleeshiyaadka lagu soo tababaray Turkiga ee hada gudaha usoo galay Siiriya ayaa ah kuwo dagaal horey ugu waday xukuumada Bashaar Al Assad, arrintan oo loo arko in Maraykanka si toos ah hada lugta ulla galay dagaalka la doonayo in xukunka looga tuuro Bashaar Al Assad.
Dowlada Turkiga oo todobaadkii lasoo dhaafay u fasaxday Airporadeeda in ay ka duulaan diyaaradaha Maraykanka ee duqeenaya ISIS, ayaa horey shuruud ugu xirtay dalalka Reer Galbeedka in Turkiga lagu taageero hubeynta iyo tababarida maleeshiyaadka Sunnida ah ee la dagaalamaya dowlada Siiriya.
Maraykanka ayaa Arbacadii shalay shaaciyey in markii ugu horeysay Diyaaradahooda Droneska oo ka duulay dalka Turkiga ay duqeyn ka geysteen gudaha wadanka Siiriya.
Asbuucii lasoo dhaafay ayey Turkiga iyo Maraykanka ku heshiiyeen in gudaha wadanka Suuriya laga sameeyo deegaan balaaran oo ka caagan xoogaga ISIS, dhulkaasi oo saaran xadka Siiriya iyo Turkiga ayey dusha ka illaalin doonaan diyaaradaha Maraykanka iyo xulafadiisa.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment