Bulsha:- Corneyl C/raxmaan Maxamuud Timacadde, Taliyaha Ciidamada Milatariga ee Gobolka Bakool oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Xoogga ee ku sugan Gobolka Bakool.
Corneyl Timacadde ayaa Tilmaamay in Ragaan ka tirsan Shabaab ee Ciidamada Milatariga isku soo dhiibay in ay gaarayaan ilaa 30 Ruux oo ay ku jiraan Afar Sargaal,kuwaaas oo ay doonayaan in ay Saxaafada u soo bandhigan.
Corneyl C/raxmaan Maxamuud Timacadde ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada Milatariga Soomaaliya Howlgalo lagu Xaqiijinayo in ay ka wadaan Gobolka Bakool si looga hortago Weerarada Al-shabaab ay geeysteen.
Mar laga soo tago sheegashada Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Bakool ee ku aadan in Sodomeeyo ka tirsan Shabaab ay isku soo dhibeen ayaa waxaan jirin Warar madax banaan ee Xaqiijinaya.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment