Bulsha:- Wiil u dhashay dalka Filibiin ayaa soo jiitay Indha aduunka kadib markii isagoo banaanka waxkubaranaya laga qaaday sawir. wiilkan yar ayaa waxa uu wax kubaranayay meel jid ah oo uu ka daaran yahay nalka ama ilaska, waxaadna dhinaca danbe ka muuqda Boorka shirkadda Macdonal-ka oo halkaasi xarun ku leh.
Sawirka wiilkan ayaa Viral noqday kadib markii lagu baahiyay Baraha Social Media-ha ee Dunida, waxaana markii dadka Qaar ay arkeen heerka Dadaalka Wiilkan ya ay ugu deeqeen lacago.
Hooyadii wiilka dhashay ayaa sheegtay in wiilkeeda uu lacago farabadan ka helay dad kala duwan oo aduunka ku nool, sheegtayna in Cunadiisa iyo Waxbarashadiisa la kifaalo qaaday.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment