Bulsha:- Hadal la soo dhigay Barta Internetka ayuu Hogaamiyaha Ururka Boko Haram ku beeniyay inuu geeriyooday, ama naafo uu noqday, Hogaamiyaha ayaa waxaa la sheegay inuu geeriyooday, kadib markii muuqaalo ay ururka Boko Haram ay soo duubeen Video-yo uusan ka soo dhex-muuqan hogaamiyaha.
Abubakar Shekhau, Hogaamiyaha Ururka Boko Haram oo ku hadlaayay cod degan, ayaa sheegay inuu caafimaad qabo, aysana wax ka jirin wararka sheegaya inuu geeriyooday ama dhibaato ay soo gaartay.
Hoose ka Daawo
Isaga oo ku hadlaayay cod degan oo laga soo duubay, ayaa Abubakar Shekhau, waxa uu si jees-jees ah uga hadlay hadal kasoo yeeray Todobaadkii hore Madaxweynaha dalka Chad, kaasi oo ku aadanaa in Kooxda Boko Haram ay magacaabeen Hogaamiye kale, balse waxa uu sheegay Abubakar Shekhau inuu dhimanaayo marka waqtigiisa Xagga Alle uu kasoo dhamaado.
Hogaamiyaha Ururka Boko Haram, codka laga soo duubay oo 8-daqiiqo ahaa ayaa sidoo kale wuxuu kaga hadlay hadal kasoo yeeray Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari oo ahaa in Boko Haram muddo saddex bilood gudahooda ay ku baabi’in doonaan, taasna uu ku tilmaamay wax riyo ah.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment