Gaas: “Ruuxii Al-shabaab katirsan ee isa soo dhiiba Waa Cafis”

Bulsha:- C/weli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay cafiskii ugu danbeeyay u fidinayso dagaal-yahanada ka tirsan Al-shabaab ee wali ka dagaalamaya buuraha Gal-gala ee gobolka Bari.

“Waad la socotaan waxaa in badan Puntland dhib ku hayay cadow Soomaaliyeed kan ugu dharbaaxada kulul waana Al-shabaab ,walina ciidamadeenu dagaal ayey kula jiraan ururkaas “ ayuu yiri madaxweyne Gaas oo la hadlayay boqolaal dadweyne ah.

“Dabcan marar badan ayaan ku celceliyay, cid kasta oo diyaar u ah inay ka Tanaasusha fikirkan qaldan ee ka soo horjeeda Diinta Islaamka waxaan diyaar u nahay inaynu soo dhaweynno “ ayuu mar kale yiri madaxweynaha Puntland.

gaasWaxaa madaxweynuhu uu sheegay in muddo 30-cisho ah loo qabtay xubnaha ka tirsan ururkaas in ay isugu soo dhiibaan ciidamada Puntland, waxaana uu sheegay in dagaalo kala duwan oo dhex-maray Puntland iyo Al-shabaab ay guulo ku gaareen.

“Ciidamada Puntland waxaan ka dalbanayaa in ay u fududeeyaan cid walba oo rabta in ay isa soo dhiibto oo aan laga hor-istaagin cafiskan “ ayuu mar kale yiri madaxweynaha Puntland oo sheegay in dagaal-yahanada Al-shabaab ay u badan-yihiin dad deegaanka ka soo jeeda.

Puntland ayaan ka badbaadin dhibaatada al-shabaab, waxayna dhibta la qabtaa deegaanada kale ee Soomaaliya ka tirsan ee ay Al-shabaab ka geystaan dilalka iyo qaraxyada.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment