Daacish oo si foolxumo badan u dishay askar ka tirsanaa Dowlada Siiriya (Warbixin+Sawirro)

Bulsha:- Maleeshiyaadka Daacish ayaa toogasho ku dilay Tiro Ciidamo ka tirsanaa Dowlada Bishaar Al-asad kuwaasi oo muddo u xirnaa falal kala duwan, waxaana sidoo kale kamid ahaa dhalinyarada la dilay kuwo ay Maleeshiyaadka Daacish ku eedeeyen inay xogaha Kooxda u gudbin jireen Dowladaha Reer galbeedka.

Dilka Askartaani ayaa waxaa fuliyay Carruur ka tirsan Maleeshiyaadka Daacish oo iyagu qaab tababar ahaan u dilaayay, waxa ayna dilka kadib meel aan sidaa uga fogeyn goobta ugu aasayeen Meydadka ragaasi la dilay.

Dilka ayay u fuliyeen qeybo kala duwan waxa ayna intooda badan ka tooganayeen madaxa, halka kuwa kalane ay u dilayeen qaabab cusub.

Mudooyinkaani danbe Kooxda waxaa dilalka u fulinaayay carruur yar yar oo ay iyaga tababarayeen kuwaasi oo si gaar ah ay u xanaaneeyan.



HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA










_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment