Bulsha:- Siyaasiyiinta Soomaaliyeed xiligan horboodaya Siyaasada dalka ayaa noqday kuwa aan wadaniyad dhab ah laheyn , taa badalkeedana ka hormariya dantooda mida qaranka iyo mida umada Soomaaliyeed ee matalaan marxaladan adag.
Waxa ay noqdeen qaar badan oo kamid ah Siyaasiinta Soomaaliyeed kuwa ka shidaal qaata kuna shaqeeya Siyaasada iyo rabitaanka Dowladaha dariska la ah Soomaaliya ee Kenya iyo Itoobiya, Dowladaha oo marnaba aan raali ka aheyn in Soomaaliya nabad iyo hormar gaarto.
Siyaasiyiinta ugu caansan uguna saameynta badan Siyaasada Dalka Soomaaliya ayaa marka aad dib u aqriso Taariikhdooda waxa ay noqonayaan kuwa kasoo shidaal qaata saaxiib dhawna la ah Dowladaha Kenya iyo Itoobiya.
Dowlada Federaalka Soomaaliya waxaa lagu xantaa in ay ku jiraan Xildhibaano iyo Wasiiro aad ugu dhaw ama saaxiib la ah Dowladaha Kenya iyo Itoobiya, waxaana Xubnahan qaarkood moodaa in ay Dowlada ku matalaan Dowladaha meesha keensaday ayna ku shaqeeyaan Siyaasadooda .
Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Dalka ka jira maalmo un kadib markii la doortay waxa ay iska xaadiriyeen ayna tageen Wadamada Kenya iyo Itoobiya, iyaga oon xitaa imaan caasimada dalka ee Muqdisho fadhina u ah Dowlada ay hoostagaan ee Federaalka.
Sida Muuqata Madaxweynayaasha Puntiland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa toos ugu xiran Dowladaha Itoobiya iyo Kenya, waxa ayna dhoorkii biloodba amr ay tagaan wadamadaasi iyaga oo kulamo la qaata Madaxda Dowladahaasi halka ay ku adagtahay in ay yimaadaan Muqdisho lana kulmaan Madxada Qaranka.
Dad badan ayaa aaminsan in marxalada Soomaaliya ay sii cakirnaan doonto hadii aysan wax iska badalin Siyaasiyiinta hada horboodaya Siyaasada Dalka , oo noqday kuwa u shaqeeya kana shidaal qaata Dowladaha cadawga ku ah Jiritaanka Soomaaliya .
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment