Bulsha:- Faduma Abdullahi Mohamud (Insania), ayaa waxaa si rasmi ah loogu magacaabay safiirka joogtada ee Soomaaliya u fadhin doona magaalada Geneva oo ah xaruunta Xafiisyada UN-ka.
Faaduma “Insania” ayaa waxaa warqadihii aqoonsinimo ka gudoomay Madaxa fulinta QM Michael Moller.
Taariikhda Faaduma (Insania) oo kooban:
Faaduma ayaa xilkaan ka badali doonta Allaha unaxariistee Danjire Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Bari-Bari oo ku geeriyooday weerar ay kooxda Al-shabaab kuq aadeen Hotelka Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho).
Danjire Faadumo waxay horay uga soo shaqeysay Wasaaradda arrimaha dibadda ilaa sanadkii 2013, waxay sidoo kale Qunsul kasoo noqotay Safaarada Soomaaliya ee Dalka Tanzania.
Sidoo kale waxay kaalin weyn ka geeysatay dib u furistii Safaarada Soomaaliya ee Washington, sidoo kale waxay Xubin kasoo noqotay Baarlamanka Soomaaliya.
Faaduma ayaa kamid ahayd 5 Safiir oo aan magacooda la shaacin oo ay Golaha wasiirada si duuduub ah u ansixiyeen 2-dii Bishii April, 2015.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment