Dowladda Macedonia oo Xadka Ka Xiratay Qaxootiga ku Soo Qul-Qulaya Dalkeeda (VIDEO)

Bulsha:- Dalka Macedonia ayaa Bilaabay inuu Xadka ka xirato Kumanaan Qoxootiya kuwaasi oo Hadafkooda yahay inay galaan dalkaasi kadibna ay kaga Gudbaan Wadamada Qaarada Yurub kuwooda Qaniga ah,,

Wadanka Macedonia oo Dhawanahan Bilaabay in uu Fasaxo Muhaajiriinta Ayaa xiligan Dib ugu Soo Jeestay Dadka Maatida ah iyagoo ku Tilmaamay Musiibo Qaxooti Waxayna Xuduuda ay la Wadaagaan Dalka Giriiga ay u soo Direen Booliska Mudaaharaadyada oo Qaxootigaasi ku Furay Gaaska ka ilmeysiiya indhaha iyo bambayaasha dadka looga cabsisiiyo.



Muhaajiriinta badankood ayaa ku Xayiran Magaalo ku taalo koonfurta dalkaasi oo lagu Magacaabo Gevgelija Halkaasi oo ay Rabaan in ay kaga Soo Gudbaan Dalka Giriiga iyagoo sii Dhexmara Dalka Macedonia oo Xiligan Siyaasad Ahaan kasoo Horjeeda Muhaajiriinta.

Halkaan ka Daaawo Muuqaal Yaab Leh





_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment