Bulsha:- Xildhibaanada kasoo jeeda beelaha Daarood qaarkood ayaa bilaabay olole weyn oo ay uga horjeedaan madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyagoo ku eedeeyay inuu xaqooda duudsiinayo beelaha Daarood iyo Meheri oo ay sheegeen inay degaan saddex degmo oo ka mida gobolka Bakool.
Xildhibaanada oo ay ka dhex muuqdeen taageerayaasha Axmed Madoobe waxay ku doodayaan arrimo la yaab leh oo ay ka mid yihiin:
Inay Daarood keliya degaan degmooyinka Yeed, Caato iyo Ceelbarde Xudur iyo Waajid oo ay dad kale la degan yihiin gobolka Bakool Baydhaba oo degaan balaaran Daaroodku ku leeyihiin Gobolka Sh/hoose oo Daaroodku 50% ay leeyihiin Waxay xildhibaanadan ku hanjabeen inay tallaabo kasta qaadi doonaan si ay uga hortagaan dhismaha xildhibaanada Koonfur Galbeed.
Waxaa muuqata in waqtiga yar ee u haray dowladda Federaalka ku dhammaan doono sheegasho, is qabsi iyo abaabulo qabyaaladeed.
Qorshahan ayaa dad badan u arkaan inuu yahay mid la soo maleegay oo lagu doonayo in lagu abuuro jawi kale oo iska horjeed iyo muran la mida kan ka taagan maamulka Jubba.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment