Bulsha:- Maamulka Galmudug oo ku magacaaban Gobolada Galgaduud iyo Mudug, ayaa ciidan lixaad leh waxa uu soo dhigay deegaanada Mareergur iyo Godinlabe ee Gobolka Galgaduud.
Ciidankan, ayaa waxaa dareen ka muujisay Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, waxayna Ahlu Sunna ugu baaqday Galmudug inay joojiso xiisad ay sheegtay inay ka hurinayso Gobolkaasi.
Madaxa Warbaahinta ee Maamulka Ahlu Sunna, Muxudiin Cali Jimcaale (Jakuula), ayaa sheegay Ciidankan inay yihiin kuwo Magaalada Muqdisho looga keenay Maamulka Cadaado, sida uu yiri.
Dowladda Federalka Somaliya iyo Galmudug, ayaa wuxuu si xoogan uu ugu eedeeyay inay colaado ka abuurayan Gobolada Dhexe, wixiise dhibaato ah ee arrintaasi keento, ayuu sheegay in wax laga weydiin doono Galmudug.
Muxudiin Cali Jimcaale, ayaa ku waramaaya Gobolka Galgaduud inay maanta ka jirto xasilooni ay ku naaloonayan shacabka degan, wuxuuse ka digay in dadkaasi barakac loo horseedo.
Jakuula oo la hadlay Idaacada Kulmiye, ayaa meesha ka saaray in Ahlu Sunna ay aqoonsan tahay Maamulka Galmudug. Wax la yiraahdo Galmudug waxaa ugu dambeysay buu yiri xilligii Cabdi Qaybdiid.
Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, ayaa waxaa lagu eedeeyaa inay qayb ka tahay arbushaadda ka aloosan Gobolka, bacdamaa ay iska diiday inay wax la qaybsato Maamulkii loo dhisay dadkii deegaanka.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment