Bulsha:- Saraakiisha Booliska Gobolka Xeebta ee dalka Kenya, ayaa sheegaya Al Shabaab inay lasoo baxeen xeelado cusub oo ku aadan Dhalinyarada Kenyan-ka ah ee ay qoranayaan si ay ugu biiraan Shabaab.
Taliyaha Booliska Gobolka Xeebta ee dalka Kenya Robert Kitur, ayaa sheegaya Shabaab inay hada bilaabeen inay dhalinyarada ka qortaan Goobaha Iskuulada.
Wuxuu sheegay markii hore Shabaabka inaya ka qoran jireen Dhalinyarada Masaajidada oo ay ku tashkiilan jireen, balse arinta hada la isagala soo tagtay, taasi oo waxa ay Shabaabka ka qortaan dhalinyarada goobaha Iskuulada.
images (2)Robert Kitur, ayaa tilmaamay waalidiinta Kenyan-ka in laga rabo inay ilaaliyaan caruurtooda marka ay aadayaan iskuulada iyo sidoo kale goobaha kale ee waxbarashada.
Taliyaha Booliska Gobolka Xeebta ee dalka Kenya, ayaa sheegaya in la waayay dhalinyaro badan oo Kenyan ah, kuwaasi oo la rumeysan yahay inay aadeen dhinaca Shabaabka.
Al Shabaab ayaa weeraro ku qaada gudaha dalka Kenya, waxaana weeraradaasi hogaamiya dhalinyaro Kenyan ah oo Shabaab ku biiray.
Dhawaan ayeey aheyd markii Xoogaga Shabaab ay ka Khudbeeyeen Xaafad ku taallo Degmada Lamu ee dalka Kenya.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment