Bulsha:- Waxaa xalay dagaalo culus oo u dhaxeeyay Ururka Al Shabaab iyo ciidamada Dowladda Soomaaliya uu ka dhacay deegaanada Mareereey iyo Caanoole oo hoostaga Gobolka Shabeellaha hoose.
Dagaaladani ayaa dhacay kadib markii Ciidamo katirsan Ururka Al Shabaab ay weerar culus ku soo qaadeen Ciidamada dowladda oo ku sugnaa dagaanadaasi.
Ciidamadani Shabaabka ka tirsan oo ka soo duulay Dhanka Degmada Awdheegle ayaa waxaa u suuragashay inay mudo kooban la wareegaan deeganadii ay soo weerareen, ciidaniia dowladda ee tuulooyinkaasi laga soo saaray ayaa markii danbe dib isku abaabuley waxayna ku noqdeen deeganadii Shabaabka ay qabsadeen, waxaana halkaasi markii danbe dib ula wareegay ciidamada Dowladda oo isugu jira Nabad Suggid iyo Milateri.
Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac ah ayaa ka dhashay dagaalkaasi dhexmaray ciidamada Dowladda iyo kuwa Shabaab ee ka dhacay Gobolka Shabeellaha hoose, waxaana Guddoomiye ku xigeenka Gobolkaasi uu sheegay inaysan haynin tirada rasmiga ah ee Askarta Dowladda ee waxyeelada kasoo gaartay dagaalka, balse ay jiraan ciidamo dhaawac ah oo lagu dawaynayo Xeryaha Caafimaadka.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment