Bulsha:- Laascaanood Balicad.com;-Deegaanka God’aalo oo ka tirsan gobolka Sool ayaa ah deegaan ku caana khayraadka dabiiciga, God’aalo ayaa dhanka waqooyi bari ka xigta magaalada Laascaanood 135 km, waxaa la aas aasay sanadkii 1964 , oo ahayd afar sano ka dib markii Saomalia ay xorriyadeeda ka qaadatay guumaysigii Ingiriiska iyo Talyaaniga .
Deegaankan ayaa ah deegaan ku caana noocyada kala duwan ee Xoolaha , iyadoo lagu dhaqdo geela , adhiga iyo Fardaha , Bale nooca ugu muhiimsan ee lagu dhaqdo deegaanka ayaa ah Geela , geela oo ah nooca ugu muhiimsan halbowlayaasha dhaqaale ee xoolo-dhaqatada iyo ganacsatada soomaalida, waxaana looga faa’iideystaa habab fara badan oo kala duwan sida caanihiisa, hilibkiisa, saantiisa ama maqaarkiisa, gaadiid u isticmaalkiisa iwm. Geela waxaa kaloo ay soomaalidu u isticmaashaa kayd raasamaal ahaan ah.
Sidoo kale Deegaankan ayaa ah mid caan ku laba nooc oo geela Soomaalidu u taqaano Daba kariix iyo Garbataag ,kuwaasoo hada ku wali ay ku nool yihiin , Hadaba waa kan Aqoon yahan.
Maxamuud Cabdi ciise oo ku magic dheer BICIID FUUL oo ka mida Odoyaaasha dhaqan ka isla markaana ah shakhsigii ugu horeeyay ee aaas aasay magaalada God;aalo sanadkii 1964 ayaa inooga waramaya Taariikhdii kala duwanayd ee deegaankani.
BY Mawliid ismaaciil haradigeed
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment