Bulsha:- Muhaajiriin u badan Afrikaan ayaa maalin walba noloshooda waxa ay qatar u galiyaan sidii ay mar un cagta u saari lahaayeen meel Qaarada Yurub katirsan, si ay halkaasi uga helaan nolol iyo amaan dhaama tii dalkooda uga carareen.
Qaar badan oo kamid ah Muhaajiriintan ayaana mara safar qatara badan sida in ay ku safraan Badda iyaga oo saaran dooman yar yar, waxa ay sidoo kale safarkaasi qatar tabadan ku bixiyaan lacago aad u badan.
Muhaajiriin badan oo kunool Dalka Faransiiska ayaa hada nolol silic ah ku jira, Muhaajiriintan ayaa kunool Keymaha halka lagu magacaabo Calais ee ku dhaw xadka ay wadaagaan Dowladaha Faransiiska iyo Ingiriiska.
Kaamam baco ka sameesan ayaa waxa ay ka dhisteen Muhaajiriinta Calais , waxaana halkaasi kunool dad lagu qiyaasay 3,000 oo qof, waxa ayna xeryahaasi muhaajiriinta qaarkood ka sameesteen Dukaamo iyo goobo ganacsi.
Dadka Muslimiinta ah ee kamid ah Muhaajiriintaasi ayaa Masjid ay ku dukadaan waxa ay ka sameesteen caagado kuwa biyaha laga cabo ah, waxaana sawiro laga soo qaaday Muhaajiriitan ka muuqda silaca iyo dhibka heesta.
Mid kamid ah dadka Muhaajiriinta ah oo u dhashay Dalka Afgaanistan gacantana uga soo go’day colaada dalkiisa ka aloosan ayaa lasoo sawiray isaga oo halkaasi ka dhisanaya goob yar uu ku noolaado, waxa uuna ninkan ka xunyahay silaca wali kusii heesta Yurub.
Muhaajiriinta ka kala yimid meelo kala duwan oo Caalamka ayaa hada nolol ka xun tii ay kunoolaayeen waxa ay ku hesataa Qaarada Yurub, mana heestaan wax ay gabaad uga galaan qabowga daran ee halkaasi ka jira, waxa ayna feel dheer u galaan raashin yar oo la siiyo.
Habeen iyo maalin kasta waxa ay isku dayaan muhaajiriintan sidii ay ugu gudbi lahaayeen dalka Ingiriiska, waxaana si weyn loo adkeeyay xadka uu Ingiriiska la wadaago Faransiiska cabsi laga qabo in ay muhajairiintaasi kusoo yaacaan Dalka Ingiriiska.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment